Network and Communication 1


 Xagee network-ku ka yimaaday?

Waa maxay se internet?

Sidoo kale markaa field network dhex timaado maxaad ku baraneysaa? 


Si guud Networku waxa uu kasoo bilowday cariga USA waxaana soo bilowday (ARPANET ) Advanced Research Project Agency Network hillaadii 1960s. ARPANET waa hay'ad cilmi baadhis oo laheyd dawlada USA.

Modern internet aan u nimaadno isaga marka laga hadlayo waxaa jirto laba model oo caan ah OSI model oo ay abuurtay International Standard Organization (ISO) 1980s, model-kan waa laga guuray iyo TCP/IP oo ah modelka la isticmaalo hadda isaga waxaa abuurtay wasaarada difaaca USA (DoD) 1990s.

Haddaba network Model muxuu yahaad isweydiineysa network model waa framework ama guideline la raaco si loo fuliyo isku xidhka laba node sido kalena loo isticmaalo ciladsaarida reference ahaan, sidoo kale waxaa hab theoretical ah lagu muujinaya xidhiidhka laba Computer ama nodes ka dhex dhacaya.

Internet waa maxay? 

Internet ku waa interconnected networks Kala duwan ama network-yo isku xidhan oo haddana Kala duwan sidoo kale isaga talaabanaya wadan illaa wadan iyo qaarad illaa qaarad tusaale adoo wadanka soomaaliya Jooga waa waxa kuu saamaxaya inaad la xidhiidho qof USA ama Europe jooga ayago gudbinayaan farriintaada networks Kala duwan oo isku xidhan, sidoo kale waa Largest network oo adduunka ka jira.

Markaa Field Network dhex timaado maxaad ku baraneysaa? 

Su'aashan iney dad badan interested ku ah field-kan iney isweydiinayaan baan filaya, aan kusoo bilaabo si aad u fahanto jawaabta gunaanadkeeda waxaa jirta si network loo sameeyo Network Components saamaxaya in xidhiidh dhaco kaso bilowma End device illaa farriintii ama packet-kii gaadho End device kale,halka maxaa ka fahanay inay network sameeyaan laba Computer ama ka badan, sidoo kale waxaa jiray medium loo adeegsado in xogtii la dhex mariyo laba midba wey noqon karta (wired) oo ah in fiilo  la adeegsado ama hab ah(wireless) oo fiilo la'aan xidhiidhkii la sameeyo;halkaana waxaa fahanay medium, aan u nimaadno Intermediary devices oo ah waxa ugu weyn aad ka shaqeyn doonto la tacaamulo doonto intaad field ku gudo jirto Switches and Routers haddaba si loo dhiso network caaqibo leh oo balaadhan waxaa loo adeegsadaa Intermediary devices isku xidhka End devices iyo networks kala duwan, haddaba gunaanadka jawaabtu waa halkan'e waxa ugu badan ee aad field-Kan aad ku qaadanaysaa waa protocols ay isticmaalaan Intermediary devices-ku Switches iyo Routers si ay xogaha ugu gudbiyaan Network-yada qeybahooda kala duwan Sida LAN,MAN iyo WAN.




Comments